< Aabenbaringen 7 >

1 Og derefter så jeg fire Engle stå på Jordens fire Hjørner; de holdt ordens fire Vinde; for at ingen Vind skulde blæse over Jorden, ej heller over Havet, ej heller over noget Træ.
Taas dabadeed waxaan arkay afar malaa'igood oo taagan afarta gees oo dhulka, oo xajinaya afarta dabaylood, si aan dabaylu ugu dhicin dhulka ama badda ama dhirta.
2 Og jeg så en anden Engel stige op fra Solens Opgang med den levende Guds Segl; og han råbte med høj Røst til de fire Engle, hvem det var givet at skade Jorden og Havet, og sagde:
Oo waxaan arkay malaa'ig kale oo ka soo baxaysa qorrax ka soo baxa oo haysata shaabadda Ilaaha nool; oo cod weyn bay ugu dhawaaqday afartii malaa'igood oo amarka lagu siiyey inay wax yeelaan dhulka iyo badda, oo waxay ku tidhi,
3 Skader ikke Jorden, ej heller Havet, ej heller Træerne, førend vi have beseglet vor Guds Tjenere på deres Pander.
Waxba ha yeelina dhulka iyo badda iyo dhirta toona, jeer aannu addoommada Ilaahayaga wejiga ka shaabadayno.
4 Og jeg hørte Tallet på de beseglede, hundrede og fire og fyrretyve Tusinde beseglede af alle Israels Børns Stammer:
Oo waxaan maqlay intoodii la shaabadeeyey tiradoodii, waxayna ahaayeen boqol iyo afar iyo afartan kun oo intaasaa laga shaabadeeyey qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan.
5 af Judas Stamme tolv Tusinde beseglede, af Rubens Stamme tolv Tusinde, af Gads Stamme tolv Tusinde,
Qabiilka reer Yahuudah waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Ruubeenna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Gaadna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
6 af Asers Stamme tolv Tusinde, af Nafthalis Stamme tolv Tusinde, af Manasses Stamme tolv Tusinde,
Qabiilka reer Aasheerna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Naftaalina waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Manasehna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
7 af Simeons Stamme tolv Tusinde, af Levis Stamme tolv Tusinde, af Issakars Stamme tolv Tusinde
Qabiilka reer Simecoonna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Laawina waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Isaakaarna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
8 af Sebulons Stamme tolv Tusinde, af Josefs Stamme tolv Tusinde og af Benjamins Stamme tolv Tusinde beseglede.
Qabiilka reer Sebulunna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Yuusufna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Benyaamiinna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun.
9 Derefter så jeg, og se en stor Skare, som ingen kunde tælle, af alle Folkeslag og Stammer og Folk og Tungemål, som stod for Tronen og for Lammet, iførte lange, hvide Klæder og med Palmegrene i deres Hænder;
Oo bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed.
10 og de råbte med høj Røst og sagde: Frelsen tilhører vor Gud, som sidder på Tronen, og Lammet!
Oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn, iyagoo leh, Badbaado waxaa leh Ilaahayaga carshiga ku fadhiya iyo Wanka.
11 Og alle Englene stode rundt om Tronen og om de Ældste og om de fire Væsener og faldt ned for Tronen på deres Ansigt og tilbade Gud og sagde:
Oo malaa'igihii oo dhammuna waxay taagnaayeen carshiga hareerihiisa iyo odayaashii iyo afartii xayawaan hareerahooda; oo carshiga hortiisii ayay ku dhaceen oo intay wejigooda dhulka saareen ayay Ilaah caabudeen,
12 Amen! Velsignelsen og Prisen og Visdommen og Taksigelsen og Æren og Kraften og Styrken tilhører vor Gud i Evighedernes Evigheder! Amen. (aiōn g165)
iyagoo leh, Aamiin; Ilaahayagu weligiis iyo weligiis ha lahaado barako, iyo ammaan, iyo xigmad, iyo mahad, iyo ciso, iyo xoog, iyo itaal. Aamiin. (aiōn g165)
13 Og en af de Ældste tog til Orde og sagde til mig: Disse, som ere iførte de lange, hvide Klæder, hvem ere de? og hvorfra ere de komne?
Oo odayaashii midkood baa jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwan khamiisyada cadcad qabaa yay yihiin, xaggee bayse ka yimaadeen?
14 Og jeg sagde til ham: Min Herre! du ved det. Og han sagde til mig: Det er dem, som komme ud af den store Trængsel, og de have tvættet deres Klæder og gjort dem hvide i Lammets Blod.
Oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waad taqaan. Markaasuu wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa kuwii ka soo baxay dhibaatadii weynayd, oo waxay khamiisyadoodii ku maydheen oo ku caddeeyeen dhiiggii Wanka.
15 Derfor ere de foran Guds Trone og tjene ham Dag og Nat i hans Tempel; og han, som sidder på Tronen, skal opslå sit Telt over dem.
Sidaas daraaddeed waxay joogaan carshiga Ilaah hortiisa; oo waxay isaga ugu adeegaan macbudkiisa habeen iyo maalinba; oo kan carshiga ku fadhiyaana wuxuu dushooda ka dhisan doonaa taambuuggiisa.
16 De skulle ikke hungre mere, ej heller tørste mere, ej heller skal Solen eller nogen Hede falde på dem.
Oo iyana mar dambe ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan mar dambe, qorraxda iyo kulaylkuna kuma ay dhici doonaan;
17 Thi Lammet, som er midt for Tronen, skal vogte dem og lede dem til Livets Vandkilder; og Gud skal aftørre hver Tåre af deres Øjne.
waayo, Wanka carshiga badhtankiisa jooga ayaa wuxuu ahaan doonaa adhijirkooda, oo wuxuu iyaga u hoggaamin doonaa ilaha biyaha nolosha; oo Ilaahna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa.

< Aabenbaringen 7 >