< 에스겔 32 >

1 제 십 이년 십 이월 초일일에 여호와의 말씀이 내게 임하여 가라사대
Oo haddana sannaddii laba iyo tobnaad, bisheedii laba iyo tobnaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
2 인자야 너는 애굽 왕 바로에 대하여 애가를 불러 그에게 이르라 너를 열국에서 젊은 사자에 비하였더니 실상은 바다 가운데 큰 악어라 강에서 뛰어 일어나 발로 물을 요동하여 그 강을 더럽혔도다
Wiilka Aadamow, Fircoon oo ah boqorka Masar u barooro, oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Adiga waxaa laguu ekaysiiyey aaran libaax oo quruumaha, laakiinse waxaad tahay sida yaxaas badaha ku dhex jira. Webiyaashaadaad la butaacdaa, oo biyahana cagahaagaad ku qastaa, oo webiyaashoodana waad wasakhaysaa.
3 나 주 여호와의 말이여 내가 많은 백성의 무리를 거느리고 내 그물을 네 위에 치고 그 그물로 너를 끌어 오리로다
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Shabaggaygaan kugu dul fidin doonaa iyadoo dadyow badan ila jiraan, oo iyaguna shabaggaygay kugu soo bixin doonaan.
4 내가 너를 뭍에 버리며 들에 던져 공중의 새들로 네 위에 앉게 할 것임이며 온 땅의 짐승으로 너를 먹어 배부르게 하리로다
Oo markaasaan dhulka kaaga tegi doonaa, oo berrin bannaan baan kugu xoori doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay haadka samada oo dhammu kugu dul fadhiyaan, oo dugaagga dunida oo dhan ayaan kaa dherjin doonaa.
5 내가 네 고기를 여러 산에 두며 네 시체를 여러 골짜기에 채울 것임이여
Oo hilibkaaga ayaan buuraha ku dul dayn doonaa, oo dooxooyinkana waxaan ka buuxin doonaa taallooyin meydadkaaga ah.
6 네 피로 네 헤엄치는 땅에 물 대듯하여 산에 미치게 하며 그 모든 개천에 채우리로다
Oo dhiiggaagana waxaan ka waraabin doonaa dhulka aad ku dhex dabbaalatid iyo tan iyo buuraha, oo webiyaashuna adigay kaa wada buuxsami doonaan.
7 내가 너를 불 끄듯 할 때에 하늘을 가리워 별로 어둡게 하며 해를 구름으로 가리우며 달로 빛을 발하지 못하게 할 것임이여
Oo markaan ku baabbi'iyo ayaan samada dabooli doonaa, oo xiddigaheedana waan madoobayn doonaa. Qorraxdana daruur baan ku qarin doonaa, oo dayaxuna iftiinkiisa sooma bixin doono.
8 하늘의 모든 밝은 빛을 내가 네 위에서 어둡게 하여 어두움을 네 땅에 베풀리로다 나 주 여호와의 말이로다
Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iftiimmada dhalaalaya oo samada oo dhan ayaan korkaaga ku wada madoobayn doonaa, oo dalkaagana gudcur baan ku soo dejin doonaa.
9 내가 네 패망의 소문으로 열국 곧 너의 알지 못하는 열방에 이르게 할 때에 많은 백성의 마음을 번뇌케 할 것임이여
Oo markaan halligaaddii aad quruumaha ku dhex halligantay u keeno waddammada aadan aqoonin ayaan dadyow badan qalbigood dhibi doonaa.
10 내가 그 많은 백성으로 너를 인하여 놀라게 할 것이며 내가 내 칼로 그들의 왕 앞에서 춤추게 할 때에 그 왕이 너를 인하여 심히 두려워할 것이며 네가 엎드러지는 날에 그들이 각각 자기 생명을 위하여 무시로 떨리로다
Hubaal maalinta dhiciddaada waxaan ka dhigi doonaa inay dadyow badanu kula yaabaan, oo boqorradooduna aad bay kuugu baqi doonaan, markaan seeftayda hortooda ku ruxruxo, oo midkood kastaaba nafsaddiisuu daqiiqad kasta u gariiri doonaa.
11 나 주 여호와가 말함이여 바벨론 왕의 칼이 네게 임하리로다
Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa kugu soo degi doonta seeftii boqorka Baabuloon.
12 내가 네 무리로 용사 곧 열국의 무서운 자들의 칼에 엎드러지게 할 것임이여 그들이 애굽의 교만을 폐하며 그 모든 무리를 멸하리로다
Waxaan ka dhigi doonaa in dadkaaga badanu ay seefaha kuwa xoogga badan ku wada le'daan. Waxay wada yihiin kuwa laga cabsado ee quruumaha, oo waxay dhici doonaan waxa Masar ku kibirtay, oo dadkeeda badan oo dhanna waa la wada baabbi'in doonaa.
13 내가 또 그 모든 짐승을 큰 물가에서 멸하리니 사람의 발이나 짐승의 굽이 다시는 그 물을 흐리지 못할 것임이여
Oo xayawaankeeda oo dhanna biyaha badan dhinacoodaan ka wada baabbi'in doonaa, oo mar dambe dad cagtiis ma ay qasi doonto oo duunyo qoobkeedna ma uu qasi doono.
14 그 때에 내가 그 물을 맑게 하여 그 강으로 기름 같이 흐르게 하리로다 나 주 여호와의 말이로다
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaasaan biyahooda inay miirmaan ka dhigi doonaa, oo webiyaashoodana waxaan ka dhigi doonaa inay sida saliid oo kale u shubmaan.
15 내가 애굽 땅으로 황무하여 사막이 되게 하여 거기 풍성한 것이 없게 할 것임이여 그 가운데 모든 거민을 치리니 그들이 나를 여호와인 줄 알리로다
Markaan dalka Masar cidla iyo baabba' ka dhigo, oo uu waddanku waayo wixii uu ka buuxi jiray, oo markaan wada laayo waxa dhex deggan oo dhan ayay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
16 이는 슬피 부를 애가니 열국 여자들이 이것을 슬피 부름이여 애굽과 그 모든 무리를 위하여 이것을 슬피 부르리로다 나 주 여호와의 말이로다 하라
Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taasu waa baroorta iyada loogu barooran doono. Gabdhaha quruumuhuna way ku barooran doonaan. Waxay ugu barooran doonaan Masar iyo dadkiisa badan oo dhanba.
17 제 십 이년 어느 달 십 오일에 여호와의 말씀이 내게 임하여 가라사대
Oo haddana sannaddii laba iyo tobnaad, maalintii shan iyo tobnaad oo bisha ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
18 인자야 애굽의 무리를 애곡하고 그와 유명한 나라 여자들을 구덩이에 내려가는 자와 함께 지하에 던지며
Wiilka Aadamow, dadka badan ee Masar u barooro, oo iyaga tuur; xataa Masar iyo gabdhaha quruumaha caanka ahba waxaad ku dhex tuurtaa dhulka meelaha ugu hooseeya iyaga iyo kuwa yamayska ku dhaadhacaba.
19 이르라 너의 아름다움이 누구보다 지나가는고 너는 내려가서 할례 받지 않은 자와 함께 뉘울지어다
Bal yaad ka qurux badan tahay? Hoos u dhaadhac, oo buuryaqabyada la jiifso.
20 그들이 살륙 당한 자 중에 엎드러질 것임이여 그는 칼에 붙인바 되었은즉 그와 그 모든 무리를 끌지어다
Waxay ku dhex dhici doonaan kuwa seefta lagu laayay, oo seeftaa loo gacangeliyey. Masar iyo dadkeeda badanba wada jiida.
21 용사 중에 강한 자가 그를 돕는 자와 함께 음부 가운데서 그에게 말함이여 할례 받지 않은 자 곧 칼에 살륙 당한 자들이 내려와서 가만히 누웠다 하리로다 (Sheol h7585)
Kuwa xoogga badan madaxdooda ayaa iyada iyo caawimayaasheeda She'ool kala dhex hadli doona. Hoos bay u dhaadheceen, wayna jiifaan, iyagoo buuryaqabyo ah oo seefta lagu laayay. (Sheol h7585)
22 거기 앗수르와 그 온 무리가 있음이여 다 살륙을 당하여 칼에 엎드러진 자라 그 무덤이 그 사방에 있도다
Reer Ashuur iyo guutadiisii oo dhammu halkaasay joogaan, oo qabuurahoodiina iyagay ku wareegsan yihiin, iyagoo kulligood la laayay, oo seef ku le'day.
23 그 무덤이 구덩이 깊은 곳에 베풀렸고 그 무리가 그 무덤 사방에 있음이여 그들은 다 살륙을 당하여 칼에 엎드러진 자 곧 생존 세상에서 사람을 두렵게 하던 자로다
Qabuurahoodu waxay ku yaalliin yamayska meelaha ugu hooseeya, oo guutadiisuna waxay ku wareegsan tahay qabrigiisa. Kuwii dalka kuwa nool cabsigelin jiray oo dhan waa la wada laayay, oo seef bay ku le'deen.
24 거기 엘람이 있고 그 모든 무리가 그 무덤 사면에 있음이여 그들은 다 할례를 받지 못하고 살륙을 당하여 칼에 엎드러져 지하에 내려간 자로다 그들이 생존 세상에서 두렵게 하였었으나 이제는 구덩이에 내려가는 자와 함께 수치를 당하였도다
Waxaana jooga reer Ceelaam iyo dadkiisa badan oo qabrigiisa ku wada wareegsan oo dhan. Kuwii dalka kuwa nool cabsigelin jiray oo dhan waa la laayay oo seef bay ku le'deen. Iyagoo buuryaqabyo ah ayay dhulka meelaha ugu hooseeya hoos ugu dhaadheceen, oo ceebtooday kuwa yamayska ku dhaadhaca la qaateen.
25 그와 그 모든 무리를 위하여 침상을 살륙 당한 자 중에 베풀었고 그 여러 무덤은 사면에 있음이여 그들은 다 할례를 받지 못하고 칼에 살륙을 당한 자로다 그들이 생존 세상에서 두렵게 하였었으나 이제는 구덩이에 내려가는 자와 함께 수치를 당하고 살륙 당한 자 중에 뉘었도다
Sariir baa kuwa la laayay dhexdooda loo diyaariyey isaga iyo dadkiisa badanba. Qabuurihiisii isagay ku wareegsan yihiin, oo kulligood iyagoo buuryaqabyo ah ayay seef ku le'deen, waayo, cabsi bay dalka kuwa nool gelin jireen, oo ceebtooday kuwa yamayska ku dhaadhaca la qaateen: oo isaga waxaa la dhigay kuwa la laayay dhexdooda.
26 거기 메섹과 두발과 그 모든 무리가 있고 그 여러 무덤은 사면에 있음이여 그들은 다 할례를 받지 못하고 칼에 살륙을 당한 자로다 그들이 생존 세상에서 두렵게 하였었으나
Halkaas waxaa jooga reer Mesheg iyo reer Tubal iyo dadkooda badan oo dhan, oo qabuurahoodiina iyagay ku wareegsan yihiin, oo kulligood iyagoo buuryaqabyo ah ayay seef ku le'deen, waayo, cabsi bay dalka kuwa nool gelin jireen.
27 그들이 할례 받지 못한 자 중에 이미 엎드러진 용사와 함께 누운 것이 마땅치 아니하냐 이 용사들은 다 병기를 가지고 음부에 내려 자기의 칼을 베게 하였으니 그 백골이 자기 죄악을 졌음이여 생존 세상에서 용사의 두려움이 있던 자로다 (Sheol h7585)
Oo iyagu lama ay jiifsan doonaan kuwa xoogga badan oo ka le'day kuwa buuryaqabyada ah oo She'ool hoos ugu dhaadhacay iyagoo hubkoodii dagaalka sita, oo seefahoodii madaxooda la hoos dhigay, dembigooduna lafahooduu dul saaran yahay, waayo, iyagu cabsi bay dalka kuwa nool gelin jireen. (Sheol h7585)
28 오직 너는 할례 받지 못한 자와 일반으로 패망할 것임이여 칼에 살륙 당한 자와 함께 누우리로다
Laakiinse adigu waxaad ku dhex jabi doontaa kuwa buuryaqabyada ah, oo waxaad la jiifsan doontaa kuwa seefta lagu laayay.
29 거기 에돔 곧 그 열왕과 그 모든 방백이 있음이여 그들이 강성하였었으나 칼에 살륙 당한 자와 함께 있겠고 할례 받지 못하고 구덩이에 내려간 자와 함께 누우리로다
Halkaas waxaa jooga reer Edom, iyo boqorradiisii, iyo amiirradiisii oo dhan, kuwaas oo in kastoo ay xoog badnaayeen la dhinac dhigay kuwii seefta lagu laayay, oo iyana waxay la jiifsan doonaan kuwa buuryaqabyada ah iyo kuwa yamayska ku dhaadhaca.
30 거기 살륙 당한 자와 함께 내려간 북방 모든 방백과 모든 시돈 사람이 있음이여 그들이 본래는 강성하였으므로 두렵게 하였었으나 이제는 부끄러움을 품고 할례 받지 못하고 칼에 살륙 당한 자와 함께 누웠고 구덩이에 내려가는 자와 함께 수욕을 당하였도다
Halkaas waxaa jooga amiirradii reer woqooyi oo dhan, iyo reer Siidoon oo dhan, kuwaas oo hoos ula dhaadhacay kuwii la laayay. Cabsidii ay xooggoodii wax ku cabsigelin jireen way ku ceeboobeen, oo waxay la jiifsadaan kuwii seefta lagu laayay iyagoo buuryaqabyo ah, oo waxay ceebtoodii la qaateen kuwa yamayska ku dhaadhaca.
31 바로가 그들을 보고 그 모든 무리로 인하여 위로를 받을 것임이여 칼에 살륙당한 바로와 그 온 군대가 그러하리로다 나 주 여호와의 말이로다
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Fircoon iyaguu arki doonaa, oo dadkiisii badnaa oo dhan ayuu u qalbi qaboobi doonaa. Fircoon iyo ciidankiisii oo dhan seef baa lagu wada laayay.
32 내가 바로로 생존 세상에서 사람을 두렵게 하게 하였었으나 이제는 그가 그 모든 무리로 더불어 할례받지 못한 자 곧 칼에 살륙 당한 자와 함께 뉘우리로다 나 주 여호와의 말이로다
Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cabsidaydii waxaan dhex dhigay dalka kuwa nool, oo Fircoon iyo dadkiisa badan oo dhan ayaa kuwa buuryaqabyada ah dhexdooda lala dhigi doonaa kuwa seefta lagu laayay.

< 에스겔 32 >