< 출애굽기 19 >

1 이스라엘 자손이 애굽 땅에서 나올 때부터 제삼월 곧 그 때에 그들이 시내 광야에 이르니라
Markii reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen dabadeed, bishii saddexaad, ayay isla maalintaas yimaadeen cidlada Siinay la yidhaahdo.
2 그들이 르비딤을 떠나 시내 광야에 이르러 그 광야에 장막을 치되 산 앞에 장막을 치니라
Oo markay ka soo keceen Refiidiim oo ay yimaadeen cidladii Siinay ayay teendhooyinkoodii cidladii ka dhisteen, oo reer binu Israa'iil halkaasay degeen buurta horteeda.
3 모세가 하나님 앞에 올라가니 여호와께서 산에서 그를 불러 가라사대 너는 이같이 야곱 족속에게 이르고 이스라엘 자손에게 고하라
Muusena kor buu ugu tegey Ilaah, markaasaa Rabbigu buurta uga yeedhay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Yacquub reerkiisa waxaad ku tidhaahdaa sidan, reer binu Israa'iilna ku dheh,
4 나의 애굽 사람에게 어떻게 행하였음과 내가 어떻게 독수리 날개로 너희를 업어 내게로 인도하였음을 너희가 보았느니라
Idinku waad aragteen wixii aan ku sameeyey Masriyiintii, iyo sidii aan idiinku soo qaaday gorgorro baalashood, oo aan idiin soo kaxaystay.
5 세계가 다 내게 속하였나니 너희가 내 말을 잘 듣고 내 언약을 지키면 너희는 열국 중에서 내 소유가 되겠고
Haddaba sidaas daraaddeed, haddaad daacad ahaan ii addeecaysaan, oo aad axdigayga dhawraysaan, de markaas waxaad ahaan doontaan dad hanti iiga ah dadyowga oo dhan, waayo, dhulka oo dhan anigaa iska leh;
6 너희가 내게 대하여 제사장 나라가 되며 거룩한 백성이 되리라 너는 이 말을 이스라엘 자손에게 고할지니라
oo waxaad ii ahaan doontaan boqortooyo wada wadaaddo ah, iyo quruun quduus ah. Kuwanu waa erayada aad reer binu Israa'iil kula hadli doonto.
7 모세가 와서 백성의 장로들을 불러 여호와께서 자기에게 명하신 그 모든 말씀을 그 앞에 진술하니
Markaasaa Muuse yimid oo wuxuu u yeedhay waayeelladii dadka oo dhan, kolkaasuu erayadii Rabbigu isaga ku amray oo dhan hortooda wada dhigay.
8 백성이 일제히 응답하여 가로되 여호와의 명하신 대로 우리가 다 행하리이다 모세가 백성의 말로 여호와께 회보하매
Markaasaa dadkii oo dhammu waxay ku wada jawaabeen, oo yidhaahdeen, Kulli waxa Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa. Markaasaa Muuse Rabbiga uga warramay erayadii dadka.
9 여호와께서 모세에게 이르시되 내가 빽빽한 구름 가운데서 네게 일함은 내가 너와 말하는 것을 백성으로 듣게 하며 또한 너를 영영히 믿게 하려함이니라 모세가 백성의 말로 여호와께 고하였으므로
Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal ogow, waxaan kuugu iman doonaa daruur qaro weyn dhexdeed, inay dadku maqlaan markii aan kula hadlayo, iyo weliba inay weligood adiga ku rumaystaan. Markaasaa Muuse Rabbiga u sheegay erayadii dadka.
10 여호와께서 모세에게 이르시되 너는 백성에게로 가서 오늘과 내일 그들을 성결케 하며 그들로 옷을 빨고
Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal orod oo dadka u tag, oo maanta iyo berri quduus ka dhig iyaga, oo dharkooda ha dhaqeen,
11 예비하여 제삼일을 기다리게 하라 이는 제삼일에 나 여호와가 온 백성의 목전에 시내 산에 강림할 것임이니
oo maalinta saddexaad diyaar ha u noqdeen, waayo, maalinta saddexaad dadka oo dhan hortiisa ayaa Rabbigu ku soo degi doonaa Buur Siinay.
12 너는 백성을 위하여 사면으로 지경을 정하고 이르기를 너희는 삼가 산에 오르거나 그 지경을 범하지 말지니 산을 범하는 자는 정녕 죽임을 당할 것이라
Oo waa inaad soohdin dadka kaga wareejisaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Iska jira, oo buurta ha fuulina, hana taabanina xuduudkeeda; waayo, ku alla kii buurta taabta hubaal waa la dili doonaa.
13 손을 그에게 댐이 없이 그런 자는 돌에 맞아 죽임을 당하거나 살에 쐬어 죽임을 당하리니 짐승이나 사람을 무론하고 살지 못하리라 나팔을 길게 불거든 산 앞에 이를 것이니라 하라
Gacanu yaanay taaban isaga, laakiinse hubaal isaga waa in la dhagxiyo ama waa in gantaal lagu dilo; dad iyo duunyo ha ahaado, kaasu sina yaanu u noolaan; oo markii buunka aad looga dhawaajiyo, buurta ha soo fuuleen.
14 모세가 산에서 내려 백성에게 이르러 백성으로 성결케 하니 그들이 자기 옷을 빨더라
Markaasaa Muuse buurtii ka degay, oo wuxuu u tegey dadkii, kolkaasuu dadkii quduus ka dhigay, oo ay dharkoodii dhaqeen.
15 모세가 백성에게 이르되 예비하여 제삼일을 기다리고 여인을 가까이 말라 하니라
Oo wuxuu dadkii ku yidhi, Maalinta saddexaad diyaar noqda oo naagna ha isugu dhowaanina.
16 제삼일 아침에 우뢰와 번개와 빽빽한 구름이 산 위에 있고 나팔소리가 심히 크니 진중 모든 백성이 다 떨더라
Oo maalintii saddexaad, markuu waagii beryay, waxaa dhacay onkod iyo hillaac, oo daruur qaro weyn baa buurtii soo dul joogsatay, oo waxaa yeedhay buun codkiisu aad iyo aad u weyn yahay, kolkaasay dadkii xerada ku jiray oo dhammu wada gariireen.
17 모세가 하나님을 맞으려고 백성을 거느리고 진에서 나오매 그들이 산 기슭에 섰더니
Markaasaa Muuse dadkii xeradii ka soo bixiyey inay Ilaah la kulmaan aawadeed; kolkaasay waxay istaageen buurta salkeedii.
18 시내 산에 연기가 자욱하니 여호와께서 불 가운데서 거기 강림하심이라 그 연기가 옹기점 연기 같이 떠오르고 온 산이 크게 진동하며
Oo Buur Siinay dhammaanteed way qiiqaysay, maxaa yeelay, Rabbi baa dusheeda ku soo degay, isagoo dab ku dhex jira, oo qiiqeediina kor buu u baxay sida qiiq foorno oo kale, oo buurtii oo dhammuna aad bay u gariirtay.
19 나팔 소리가 점점 커질 때에 모세가 말한즉 하나님이 음성으로 대답하시더라
Oo markii buunkii codkiisii aad iyo aad u sii weynaaday ayaa Muuse hadlay, Ilaahna kolkaasuu cod ugu jawaabay.
20 여호와께서 시내 산 곧 그 산꼭대기에 강림하시고 그리로 모세를 부르시니 모세가 올라 가매
Markaasaa Rabbigu wuxuu ku soo kor degay Buur Siinay, oo wuxuu yimid buurta dusheedii. Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ugu yeedhay buurta dusheedii; oo Muusena kor buu u baxay.
21 여호와께서 모세에게 이르시되 내려가서 백성을 신칙하라 백성이 돌파하고 나 여호와께로 와서 보려고 하다가 많이 죽을까 하노라
Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Hoos u deg, oo dadka u dig, waaba intaasoo ay Rabbiga xaggiisa u soo xadgudbaan inay fiirsadaan, oo ay qaarkood badanu halligmaane.
22 또 여호와께 가까이 하는 제사장들로 그 몸을 성결히 하게 하라 나 여호와가 그들을 돌격할까 하노라
Oo weliba wadaaddada Rabbiga u soo dhowaanaya quduus ha iska dhigeen, waaba intaasoo Rabbigu uu halligaaye.
23 모세가 여호와께 고하되 주께서 우리에게 명하여 이르시기를 산 사면에 지경을 세워 산을 거룩하게 하라 하셨사온즉 백성이 시내 산에 오르지 못하리이다
Kolkaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Dadku Buur Siinay sooma fuuli karaan, waayo, waxaad nagu amartay, oo nagu tidhi, Buurta soohdin ku wareeji, oo quduus ka dhig.
24 여호와께서 그에게 이르시되 가라 너는 내려가서 아론과 함께 올라오고 제사장들과 백성에게는 돌파하고 나 여호와에게로 올라오지 못하게 하라 내가 그들을 돌격할까 하노라
Markaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo hoos u deg; oo dabadeedna soo fuul adigoo Haaruun wata; laakiinse wadaaddada iyo dadku yaanay kor u soo xadgudbin xagga Rabbiga, waaba intaasoo uu halligaaye.
25 모세가 백성에게 내려가서 그들에게 고하니라
Haddaba Muuse hoos buu u degay oo dadkii u tegey, una sheegay.

< 출애굽기 19 >