< غزل غزلها 6 >

محبوب تو کجا رفته است‌ای زیباترین زنان؟ محبوب تو کجا توجه نموده است تااو را با تو بطلبیم؟ ۱ 1
Taada naagaha u qurxoonay, Xaggee gacaliyahaagii tegey? Aannu kula goobnee, Xaggee buu gacaliyahaagii u leexday?
محبوب من به باغ خویش و نزد باغچه های بلسان فرود شده است، تا در باغات بچراند وسوسنها بچیند. ۲ 2
Gacaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.
من از آن محبوب خود ومحبوبم از آن من است. در میان سوسنها گله رامی چراند. ۳ 3
Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, oo gacaliyahayguna waa kaygii, Oo wuxuu adhigiisa daajiyaa ubaxshooshannada dhexdooda.
‌ای محبوبه من، تو مثل ترصه جمیل و ماننداورشلیم زیبا و مثل لشکرهای بیدق دار مهیب هستی. ۴ 4
Taan jeclahayay, waxaad u qurux badan tahay sida Tirsaah oo kale, Oo waxaad u suurad wacan tahay sida Yeruusaalem oo kale, Waxaana lagaaga cabsadaa sida ciidan calammo sita oo kale.
چشمانت را از من برگردان زیرا آنها برمن غالب شده است. مویهایت مثل گله بزها است که بر جانب کوه جلعاد خوابیده باشند. ۵ 5
Indhahaaga iga sii jeedi, Waayo, way iga adkaadeen. Timahaagu waa sida riyo Buur Gilecaad ka muuqda.
دندانهایت مانند گله گوسفندان است که ازشستن برآمده باشند. و همگی آنها توام زاییده ودر آنها یکی هم نازاد نباشد. ۶ 6
Ilkahaaguna waa sida laxo Ka soo baxay meeshii lagu soo maydhay, Oo middood kastaaba mataano dhashay, Oo aan dhexdooda lagu arag mid dhicisay.
شقیقه هایت درعقب برقع تو مانند پاره انار است. ۷ 7
Oo dhafoorradaada indhashareertaada ku qarsoonuna waa sida xabbad rummaan ah jeexeed.
شصت ملکه وهشتاد متعه و دوشیزگان بیشماره هستند. ۸ 8
Waxaa jira lixdan boqoradood, iyo siddeetan naagood oo addoommo ah, Iyo gabdho aan tiro lahayn.
اما کبوتر من و کامله من یکی است. او یگانه مادرخویش و مختاره والده خود می‌باشد. دختران اورا دیده، خجسته گفتند. ملکه‌ها و متعه‌ها بر اونگریستند و او را مدح نمودند. ۹ 9
Laakiinse qoolleydayda, iyo tayda sanu waa mid qudha. Iyadu waa tan keliya ee hooyadeed, Oo waa tan daahirsan ee tii iyada dhashay. Gabdhuhu iyaday arkeen oo waxay ku sheegeen mid barakaysan, Oo xataa boqoradihii iyo naagihii addoommaha ahaaba way ammaaneen.
این کیست که مثل صبح می‌درخشد؟ ومانند ماه جمیل و مثل آفتاب طاهر و مانند لشکربیدق دار مهیب است؟ ۱۰ 10
Waa tuma tan u soo muuqata sida kaaha waaberiga, Oo sida dayaxa u qurxoon, Ee sida qorraxda u daahirsan, Oo haddana looga cabsado sida ciidan calammo sita oo kale?
به باغ درختان جوز فرود شدم تا سبزیهای وادی را بنگرم و ببینم که آیا مو شکوفه آورده وانار گل کرده است. ۱۱ 11
Waxaan ku dhaadhacay beertii yicibta Inaan soo arko geedaha cagaarka ah ee dooxada, Iyo inaan soo arko bal in canabkii magoolay, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale.
بی‌آنکه ملتفت شوم که ناگاه جانم مرا مثل عرابه های عمیناداب ساخت. ۱۲ 12
Anigoo aan garanayn ayaa nafsaddaydu iga dhigtay sida gaadhifardoodkii Cammiinaadiib oo kale.
برگرد، برگرد‌ای شولمیت برگرد، برگرد تابر تو بنگریم. ۱۳ 13
Tan reer Shuuleemay, soo noqo, soo noqo, Aan ku daawannee soo noqo, soo noqo. Gacaliyaha Hadlayaa Bal maxaad u daawanaysaan tan reer Shuuleem Sida cayaarta Maxanayim?

< غزل غزلها 6 >