< Псалтирь 49 >

1 В конец, сыном Кореовым, псалом. Услышите сия, вси языцы, внушите, вси живущии по вселенней,
Dadyowga oo dhammow, bal tan maqla, Dunida kuwiinna degganow, kulligiin dhegta u dhiga,
2 земнороднии же и сынове человечестии, вкупе богат и убог.
Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare, Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla.
3 Уста моя возглаголют премудрость, и поучение сердца моего разум.
Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa xigmad, Qalbigayguna wuxuu ka fikiri doonaa waxgarasho.
4 Приклоню в притчу ухо мое, отверзу во псалтири ганание мое.
Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal, Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda.
5 Вскую боюся в день лют? Беззаконие пяты моея обыдет мя.
Haddaba bal maxaan u cabsanayaa wakhtiga shar jiro, Markii xumaanu cedhbahayga ku wareegsanto?
6 Надеющиися на силу свою и о множестве богатства своего хвалящиися:
Kuwa maalkooda isku halleeya, Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,
7 брат не избавит, избавит ли человек? Не даст Богу измены за ся,
Midkoodna walaalkiis ma furan karo, Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo,
8 и цену избавления души своея: и утрудися в век,
(Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad, Kumana filna weligeedba, )
9 и жив будет до конца, не узрит пагубы.
Inuu isagu weligiis sii noolaado, Oo aanu halligaad arkin weligiis.
10 Егда увидит премудрыя умирающыя, вкупе безумен и несмыслен погибнут, и оставят чуждим богатство свое.
Waayo, isagu wuxuu arkaa inay dadka xigmadda lahu wada dhintaan, Iyo in nacasyada iyo doqonnaduba ay wada baabba'aan, Oo ay maalkooda kuwa kale uga tagaan.
11 И гроби их жилища их во век, селения их в род и род, нарекоша имена своя на землях.
Waxay ismoodsiiyaan inay guryahoodu weligoodba sii jirayaan, Iyo in meelaha rugtooda ahu ay sii raagayaan tan iyo qarniyada oo dhan, Oo dhulalkoodana way isku magacaabaan.
12 И человек в чести сый не разуме, приложися скотом несмысленным и уподобися им.
Laakiinse binu-aadmigu sharaf kuma waaro, Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
13 Сей путь их соблазн им, и по сих во устех своих благоволят.
Jidkoodanu waa kalsoonidooda nacasnimada ah, Laakiinse dadka iyaga ka dambeeya ayaa hadalkoodii u boga. (Selaah)
14 Яко овцы во аде положени суть, смерть упасет я: и обладают ими правии заутра, и помощь их обетшает во аде: от славы своея изриновени быша. (Sheol h7585)
Iyagu waxaa weeye adhi She'ool loo wado, Oo waxaa sida adhijir u ahaan doona dhimasho, Oo kuwa qumman ayaa iyaga subaxda u talin doona, Oo quruxdoodana waxaa baabbi'in doona She'ool, inaanay iyagu rug yeelan innaba. (Sheol h7585)
15 Обаче Бог избавит душу мою из руки адовы, егда приемлет мя. (Sheol h7585)
Laakiinse Ilaah naftayda wuu ka soo furan doonaa xoogga She'ool, Waayo, wuu i aqbali doonaa. (Selaah) (Sheol h7585)
16 Не убойся, егда разбогатеет человек, или егда умножится слава дому его:
Ha baqin markii mid taajiroobo, Oo ammaanta reerkiisu aad u korodho,
17 яко внегда умрети ему, не возмет вся, ниже снидет с ним слава его.
Waayo, isagu markuu dhinto waxba sii qaadan maayo, Oo ammaantiisuna ka daba geli mayso.
18 Яко душа его в животе его благословится, исповестся тебе, егда благосотвориши ему.
In kastoo uu naftiisa u duceeyey markuu noolaa, Oo dad adiga ku ammaana, kolkaad wax wanaagsan isu samaysid,
19 Внидет даже до рода отец своих, даже до века не узрит света.
Isagu wuxuu u tegi doonaa qarniyadii awowayaashiis, Oo iyana weligood iftiinka ma ay arki doonaan.
20 И человек в чести сый не разуме, приложися скотом несмысленным и уподобися им.
Ninkii sharaf leh oo aan garaad lahaynu Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.

< Псалтирь 49 >