< Esteer 4 >

1 Haddaba markii Mordekay ogaaday wixii la sameeyey oo dhan ayuu dharkiisii jeexjeexay, dhar joonyad ahna wuu xidhay oo dambas ismariyey, markaasuu magaalada dhex galay oo oohin dheer oo qadhaadh ku qayliyey.
When Mordecai learned all that had been done, he tore his clothes and put on sackcloth and strewed ashes on his head, and went out into the city and raised a loud and bitter cry of lamentation.
2 Wuxuuna hor yimid boqorka iriddiisa; waayo, ninna iridda boqorka ma geli karayn isagoo dhar joonyad ah qaba.
He went as far as the king’s gate, but no one could enter the gate clothed with sackcloth.
3 Oo gobol kasta oo qaynuunkii iyo amarkii boqorku gaadhayba waxaa Yuhuuddii ka dhex dhacday baroor weyn, iyo soon, iyo oohin, iyo qaylo; kuwo badanuna dambas bay ku jiifeen iyagoo dhar joonyad ah qaba.
In every province, wherever the king’s command and decree went, there was great mourning, fasting, weeping, and wailing among the Jews. Many of them sat in sackcloth and ashes.
4 Markaasaa Esteer waxaa u yimid oo xaalkaas u soo sheegay gabdhaheedii iyo midiidinnadeedii; kolkaasay boqoraddii aad iyo aad u murugootay; oo Mordekay ayay u sii dirtay dhar uu xidho, waxayna u sheegtay inuu dharkiisii joonyadda ahaa iska furo; laakiinse dharkii ma uu qaadan.
When Esther’s maids and attendants told her about Mordecai’s behaviour, she was greatly troubled. She sent garments for Mordecai to put on, so that he could take off his sack-cloth, but he would not accept them.
5 Markaasaa Esteer waxay u yeedhay Hatag oo boqorka midiidinnadiisa ka mid ahaa oo uu boqorku u doortay inuu u adeego, oo waxay isagii ku amartay inuu Mordekay u tago oo uu soo ogaado bal waxa xaalkanu ahaa, iyo wuxuu u dhacayba.
So Esther called Hathach, one of the king’s eunuchs whom he had appointed to attend her, and ordered him to go to Mordecai to learn what it all meant and the reason for it.
6 Sidaas daraaddeed Hatag wuxuu Mordekay ugu tegey magaalada bannaankeedii ka soo hor jeeday boqorka iriddiisa.
So Hathach went out to Mordecai, to the city square in front of the king’s gate.
7 Markaasaa Mordekay wuxuu isagii u sheegay dhammaan wixii isaga ku dhacay, iyo lacagtii uu Haamaan u ballanqaaday inuu siinayo boqorka khasnadihiisa in Yuhuudda la baabbi'iyo aawadeed.
Mordecai told him all that had happened to him and the exact amount of money that Haman had promised to pay into the king’s treasury for the destruction of the Jews.
8 Oo weliba wuxuu isagii u dhiibay naqilka warqaddii oo amarku ku qornaa oo Shuushan lagu faafiyey si Yuhuudda loo wada baabbi'iyo, wuxuuna taas u siiyey inuu Esteer tuso oo uu iyada u warramo, oo wuxuu iyada ku amray inay boqorka u gasho, oo ay barido oo ay isaga hortiisa wax ka weyddiisato dadkeeda aawadiis.
Also he gave him a copy of the decree to destroy them, that had been published in Susa, to show to Esther for her information. He also told her to go to the king and implore his mercy and to plead with him in behalf of her people.
9 Kolkaasaa Hatag yimid oo wuxuu Esteer u sheegay erayadii Mordekay.
When Hathach came and told Esther what Mordecai had said,
10 Dabadeedna Esteer baa la hadashay Hatag oo waxay farriin ugu sii dhiibtay Mordekay oo ku tidhi,
she instructed Hathach to go and say to Mordecai,
11 Boqorka addoommadiisa oo dhan iyo dadka boqorka gobolladiisa deggan oo dhammu way wada og yihiin in ku alla kii, isagoo aan loo yeedhin, boqorka ugu soo gala barxadda dhexe, ama nin ha ahaado ama naag ha ahaatee, qaynuun baa loo hayaa, waana in isaga la dilo, haddaan boqorku usha dahabka ah fidin, si uu u noolaado aawadeed; laakiinse aniga la iima yeedhin inaan boqorka u soo galo intii soddon maalmood ah.
‘All the king’s courtiers and the people of the king’s provinces know that for every man or woman who goes to the king into the inner court without being called there is one penalty, death, unless the king holds out the golden sceptre signifying that they may live. It has been thirty days since I have been called to go in to the king.’
12 Kolkaasaa Mordekay loo soo sheegay Esteer erayadeedii.
When Mordecai was told what Esther had said,
13 Markaasuu Mordekay iyagii jawaab ugu sii dhiibay Esteer, oo wuxuu ku yidhi, Ha moodin inaad adiga qudhaadu guriga boqorka ku baxsan doontid iyadoo aanay Yuhuudda ka baxsan.
he sent back this reply to Esther, ‘Don’t imagine that you alone of all the Jews will escape because you belong to the king’s household.
14 Waayo, haddaad wakhtigan iska aamustid, waxaa Yuhuudda meel kale uga kici doona furasho iyo samatabbax, laakiinse adiga iyo reerka aabbahaaba waad halligmi doontaan. Bal yaase garanaya inaad wakhtigan oo kale daraaddiis boqortooyada u soo gashay?
If you persist in remaining silent at this time, relief and deliverance will come to the Jews from another quarter, but you and your family will perish. Who knows? Maybe you have been raised to the throne for a time like this!’
15 Markaasaa Esteer waxay iyaga u sheegtay inay Mordekay jawaab ku celiyaan, oo waxay ku tidhi,
Then Esther sent this message to Mordecai:
16 Tag, oo soo wada ururi Yuhuudda Shuushan joogta oo dhan, oo ii sooma, oo intii saddex maalmood ah, habeen iyo maalin toona, waxba ha cunina, waxna ha cabbina; oo aniga iyo gabdhahayguna sidaas oo kalaan u soomaynaa; oo kolkaasaan boqorka u gelayaa, taasoo aan sharciga waafaqsanayn; oo haddii aan halligmona, waan halligmayaa.
‘Go, gather all the Jews in Susa and fast for me. Don’t eat nor drink anything for three days and nights. My maids and I will fast as well. Then I will go in to the king, although it is contrary to the law, and if I die, I die.’
17 Markaasuu Mordekay iska tegey oo sameeyey wax alla wixii Esteer ku amartay oo dhan.
Mordecai did everything Esther had directed.

< Esteer 4 >