< Ishacyaah 25 >

1 Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahay. Waan ku sarraysiin doonaa, oo magacaagana waan ammaani doonaa, waayo, waxaad samaysay waxyaalo yaab badan oo ah talooyin aad waa hore aaminnimo iyo run ku talaggashay.
Yahwe wewe ni Mungu wangu; nitakutukuza wewe, nitalisifu jina lako; maana umetenda matendo ya ajabu, mambo uliyoyapanga toka zamaini, kwa uaminifu na ukamilifu.
2 Waayo, waxaad magaalo ka dhigtay meel tuulan, oo magaalo deyr lehna burbur, oo daartii weynayd ee shisheeyahana waxaad ka dhigtay wax aan magaalo ahayn, oo mar dambena lama dhisi doono.
Maana umeufanya mji kuwa chungu, ngome ya mji, uharibifu na ngome ya wageni kuwa si mji.
3 Sidaas daraaddeed dadka xoogga badanu way ku ammaani doonaan, oo magaalada quruumaha laga cabsadona way ka cabsan doontaa.
Hivyo basi watu wenye nguvu watakutukuza wewe; na mji waishio watu wasio na ukatili watakuogopa wewe.
4 Waayo, waxaad miskiinka u ahayd xoog, oo saboolka baahanna markuu dhibaataysnaa xoog baad u ahayd, waxaadna ahayd meel duufaanka laga dugsado oo kulaylkana laga hadhsado markii kuwa laga cabsado neeftoodu ay ahayd sida duufaan derbi ku dhacaya.
Maana umekuwa katika eneo salama kwa aliye masikni, makazi kwa mhitaji ambaye yuko kwenye dhiki- makazi kwa aliyeko kwenye dhoruba na kivuli kwa aliyeko kwenye jua. Pale punzi ya watu wakatili imekuwa kama dhoruba dhidi ya ukuta,
5 Waxaad hoos u ridi doontaa buuqa shisheeyayaasha sida kulaylka meesha engegan oo kale. Sida hooska daruurtu kulaylka u rida ayaa kuwa laga cabsado gabaygooda hoos loo ridi doonaa.
na jua kwenye aridhi kavu, na watazuia kelele za wageni, kama vile jua linavyozuiliwa na kivuli cha mawingu, hivyo basi nyimbo wasio na makosa zimejibiwa.
6 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu dadyowga oo dhan buurtan ugu samayn doonaa diyaafad ah baruur miidhan, iyo khamri raagay, iyo waxyaalo baruur badan oo dhuux ka buuxo, iyo khamri raagay oo aad loo miiray.
Katika mlima huu Yahwe wa majeshi atafanya kwa watu sikukuu ya ya vitu vilivyonona, na mvinyo uliochaguliwa, zabuni ya nyama na sikuku juu ya sira.
7 Oo isagu wuxuu buurtan ku baabbi'in doonaa daboolka dadyowga oo dhan la dul saaray iyo indhashareerta quruumaha oo dhan lagu dul fidiyey.
Na katika mlima huu atauharibu mfuniko uliowekwa juu watu wote, na mtandao wa kusuka juu ya mataifa.
8 Oo dhimashadana weligeed buu liqay, Sayidka Rabbiga ahuna weji kastaba ilmada wuu ka tirtiri doonaa, oo ceebta dadkiisana dhulka oo dhan wuu ka qaadi doonaa, waayo, sidaasuu Rabbigu ku hadlay.
Atameza kifo daima, na Bwana Yahwe atayafuta machozi katika nyuso zetu; na aibu ya watu wake itatupwa mbali kutoka duniani kote, maana Yahwe amesema hivyo.
9 Oo waxaa maalintaas la odhan doonaa, Bal eega, waa kan Ilaahayagu. Isagaannu sugaynay, wuuna na badbaadin doonaa. Kanu waa Rabbiga, isagaannu sugaynay, oo waxaannu ku farxi oo ku rayrayn doonnaa badbaadintiisa.
Yatazungumzwa katika siku hiyo, ''Huyu ni Mungu wetu; na tunayemngoja, na atatuokoa. Huyu ni Yahwe; tuliyemngoja, tutafurahia na kushangilia wokovu wake.''
10 Waayo, Rabbiga gacantiisu waxay saarnaan doontaa buurtan, oo Moo'aabna meeshiisaa lagula tuman doonaa sida cawska meesha digada lagula tunto.
Maana katika mlima huu mkono wa Bwana utashuka; na Moabu itakanyagwakangwa chini kwenye eneo lake, na hata majani yatakanyagwakanyagwa chini katika shimo lililojaa mbolea.
11 Oo isna gacmihiisuu ku dhex kala fidin doonaa sida mid dabaalanaya gacmihiisa u kala fidiyo inuu dabaasho aawadeed, laakiinse Rabbigu wuxuu hoos u ridi doonaa kibirkooda iyo shuqulkii gacmahoodaba.
Wataitawnya mikono yao katikati yao, kama vile mpiga mbizi atawanyavyo mikono yake wakati akipiga mbizi. Lakini Bwana atashusha kiburi chao chini japo kuwa na ujuzi katika mikono yao.
12 Oo qalcadda dheer oo derbiyadaada adagna wuu dumin doonaa, oo hoos buu u ridi doonaa, oo dhulka iyo ilaa ciidda, ayuu ku xoori doonaa.
Na ataiangusha chini kwenye aridhi kuta za ngome, kwenye mavumbi.

< Ishacyaah 25 >