< Yeremyaah 41 >

1 Haddaba bishii toddobaad waxaa yimid Ismaaciil ina Netanyaah oo ahaa ina Eliishaamaac, oo ka mid ahaa farcankii boqornimada iyo weliba saraakiishii boqorka, isagoo toban nin wata, oo waxay Gedalyaah ina Ahiiqaam ugu yimaadeen Misfaah, oo halkaasay kibis ku wada cuneen.
Lakini ilitokea kwamba katika mwezi wa saba Ishmael mwana wa Nethania mwana wa Elishama, toka familia ya kifalme, na maafisa baadhi wa mfalme, walikuja - wanaume kumi walikuwa pamoja naye - kwa Gedalia mwana wa Ahikam, huko Mizpa. Walikula chakula pamoja hukp Mizpa.
2 Markaasaa waxaa sara joogsaday Ismaaciil ina Netanyaah iyo tobankii nin ee isaga la socday, oo Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan ayay seef la dheceen oo isagay dileen kaasoo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay.
Lakini Ishmael mwana wa Nethania, na wanaume kumi ambao walikuwa pamoja naye waliinuka na kumvamia Gedalia mwana wa Ahikam mwana wa Shafan, kwa upanga. Ishmael alimuua Gedalia, ambaye mfalme wa Babeli alimweka kuwa msimamizi wa nchi.
3 Oo weliba Ismaaciil wuxuu kaloo wada laayay Yuhuuddii Gedalyaah Misfaah la joogtay, iyo reer Kaldayiinkii halkaas laga helay, kuwaasoo ahaa raggii dagaalka oo dhan.
Kisha Ishmael aliwauwa Wayahudi wote ambao walikuwa pamoja na Gedalia huko Mizpa na Wakaldayo wanaume wa kupigana kukutwa huko.
4 Oo maalintii uu Gedalyaah dilay maalintii ku laba ahayd iyadoo aan ciduna weli ogayn
Kisha ilikuwa siku ya pili baada ya kumuua Gedila, lakini hakuna moja aliyejua.
5 ayaa nimani waxay ka yimaadeen Shekem iyo Shiiloh iyo Samaariya, oo waxay ahaayeen siddeetan nin oo gadhadhkii iska xiiray, oo dharkoodiina jeexjeexay, oo jidhkoodii googooyay, oo gacmaha ku sida qurbaanno iyo foox ay guriga Rabbiga u wadaan.
Wanaume baadhi walikuja toka Shechem, toka Shiloh, na toka Samaria-wanaume semanini ambayo walikuwa wamenyoa ndevu zao, walirarua nguo zao, na kujikata wenyewe- pamoja na chakula cha sadaka na ubani katika mikono yao kwenda kwa nyumba ya Yahwe.
6 Oo Ismaaciil ina Netanyaah wuxuu Misfaah uga tegey inuu iyaga ka hor tago aawadeed, isagoo ooyaya intuu sii socday oo dhan, oo markuu iyagii la kulmay wuxuu ku yidhi, Gedalyaah ina Ahiiqaam u kaalaya.
Basi Ishmael mwana wa Nethania alienda toka Mizpa kukutana nao kama walivyoenda, wakitembea na kulia. Kisha ilitokea kwamba kama alivyokutana nao, alisema nao, “Njoo kwa Gedalia mwana wa Ahikam!”
7 Oo markay magaalada dhexdeedii yimaadeen ayaa Ismaaciil ina Netanyaah kulligood wada laayay, oo isagii iyo raggii la socday meydkoodii god bay ku rideen.
Ilikuja kuwa kwamba wakati walipokuja katika mji, Ishmaeil mwana wa Nethania aliwauwa na kuwatupa kwenye shimo, yeye na wanaume ambao walikuwa pamoja naye.
8 Laakiinse waxaa dhexdoodii laga helay toban nin oo Ismaaciil ku tidhi, Ha na dilin, waayo, annagu waxaannu leennahay kayd sarreen iyo shaciir iyo saliid iyo malab ah oo duurka ku dhex qarsoon, sidaas daraaddeed iyagii wuu iska dhaafay oo walaalahood lama uu layn.
Lakini palikuwa na wanaume kumi miongoni mwao ambao walisema kwa Ishmael, “Usituue, kwa kuwa kuna riziki zetu kwenye shamba: ngano na shayiri, mafuta na asili” Kwa hiyo hakuwauwa pamoja na rafiki zao wengine.
9 Haddaba godkii uu Ismaaciil ku riday raggii uu Gedalyaah la laayay meydadkoodii oo dhan wuxuu ahaa kii uu Boqor Aasaa u samaystay cabsi uu ka qabay boqorkii dalka Israa'iil oo Bacshaa ahaa aawadeed, oo Ismaaciil ina Netanyaah wuxuu godkaas ka buuxiyey kuwii uu laayay meydkoodii.
Kisima ambacho Ishmael alitupa miili yote ya waliokufa ambaye yeye na Gedalia waliwapiga, kilikuwa ni kilekile ambacho mfalme Asa alichimba wakati alipokuwa akivamiwa na mfalme Baasha wa Israel. Ishmael mwana wa Nethania alilijaza wale ambao walikuwa wameuawa.
10 Markaasaa Ismaaciil wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay dadka hadhay oo dhan, xataa gabdhihii boqorka iyo dadkii Misfaah ku hadhay oo dhan, kuwaasoo Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii waardiyayaashu uu u dhiibay Gedalyaah ina Ahiiqaam. Ismaaciil ina Netanyaah maxaabiis ahaan ayuu u kaxaystay, oo wuxuu u ambabbaxay inuu reer Cammoon u gudbo.
Badae Ishmael aliwashika watu wengine wote ambao walikuwa huko Mizpa, mabinti wa mfalme na watu wote ambao walikuwa wameachwa huko Mizpa ambayo Nebuzaradani mlinzi mkuu alikuwa amewakabidhi kwa Gedalia mwana wa Ahikam. Basi Ishmael mwana wa Nethania aliwashika na kuvuka kwa watu wa Ammon.
11 Laakiinse Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada ee isaga la joogtay oo dhammu markay maqleen xumaantii uu Ismaaciil ina Netanyaah sameeyey oo dhan
Lakini Yonathani mwana wa Karea na amri wote wa jeshi pamoja naye walisikia madhara yote ambayo Ishmael mwana wa Nethania alikuwa amefanya.
12 ayay kaxaysteen raggii oo dhan, oo waxay u keceen inay Ismaaciil ina Netanyaah la diriraan, oo isagay ka ag heleen biyihii badnaa ee Gibecoon ku yaal.
Basi waliwachukua wanaume wao na kwenda kupigana dhidi ya Ishmanel mwana wa Nethania. Walipigana naye huko kwenye kisima kuu cha Gibeoni.
13 Oo dadkii Ismaaciil ina Netanyaah watay oo dhammu markay arkeen Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada oo isaga la jiray oo dhan ayay wada farxeen.
Kisha ilitokea kwamba wakati watu wote ambao walikuwa na Ishmael kuona Yonathani mwana wa Karea na amri wote wa jeshi ambao walikuwa pamoja naye, walikuwa na furaha.
14 Sidaas daraaddeed dadkii Ismaaciil uu Misfaah maxaabbiisahaanta uga kaxaystay oo dhammu intay jeesteen ayay dib u noqdeen, oo waxay u tageen Yooxaanaan ina Qaaree'ax.
Basi watu wote ambao Ishmael alikuwa amewashika huko Mizpa waligeuka na kwenda kwa Yonathani mwana wa Karea.
15 Laakiinse Ismaaciil ina Netanyaah Yooxaanaan wuu ka baxsaday, oo intuu siddeed nin la cararay ayuu reer Cammoon u tegey.
Lakini Ishmael mwana wa Nethania alitoroka na wanaume wanane toka kwa Yonathani. Alienda kwa watu wa Ammon.
16 Markaasaa Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada ee isaga la jirtay oo dhammu waxay soo kexeeyeen dadkii hadhay ee uu dhammaan ka soo caymiyey Ismaaciil ina Netanyaah markuu Misfaah ku dilay Gedalyaah ina Ahiiqaam dabadeed, oo kuwaasu waxay ahaayeen raggii dagaalka, iyo naagihii, iyo carruurtii, iyo bohommadii ee uu ka soo celiyey Gibecoon.
Yonathani mwana wa Karea na amri jeshi pamoja naye walichukua toka Mizpa watu wote ambao walikuwa wameokolewa kutoka kwa Ishmael mwana wa Nethania. Hii ilikuwa baada ya Ishmael kuwa amemuuwa Gedalia mwana wa Ahikam. Yonathan na rafiki zake walichukua wanaume shujaa, wanaume wapiganaji, wanawake na watoto, na mtoashi ambaye alikuwa ameokolewa huko Gibeoni.
17 Oo iyana intay tageen ayay Geeruud Kimhaam oo Beytlaxam ku ag yiil degeen, si ay u tagaan oo ay Masar u galaan reer Kaldayiin aawadood,
Kisha walienda na kubaki kwa muda huko Geruthi Chimham, ambayo iko karibu Bethelemu. Walikuwa wakienda Misri
18 maxaa yeelay, iyagay ka cabsanayeen, waayo, Ismaaciil ina Netanyaah ayaa dilay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay.
kwa sababu ya Wakaldayo. Walikuwa wakiwaogopa kwani Ishmael mwana wa Nethania alikuwa amemua Gedalia mwana wa Ahikam, ambaye mfamle wa Babeli amewekwa kwenye usimamizi wa nchi.

< Yeremyaah 41 >