< Sabuurradii 108 >

1 Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya, Waan gabyi doonaa, haah, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaantayda.
My heart is fixed, O God, I will sing, yea, I will sing praises, even with my glory.
2 Shareerad iyo kataaradow, toosa, Aroorta hore waan toosi doonaa.
Awake, psaltery and harp. I myself will awake right early.
3 Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda, Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
I will give thanks to thee, O Jehovah, among the peoples, and I will sing praises to thee among the nations.
4 Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda, Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
For thy loving kindness is great above the heavens, and thy truth is to the skies.
5 Ilaahow, samooyinka ka sarree, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
Be thou exalted, O God, above the heavens, and thy glory above all the earth.
6 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed, Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab.
That thy beloved may be delivered, save with thy right hand, and answer us.
7 Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod,
God has spoken in his holiness. I will exult. I will divide Shechem, and mete out the valley of Succoth.
8 Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushaydii boqornimo.
Gilead is mine. Manasseh is mine. Ephraim also is the defense of my head. Judah is my scepter.
9 Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Oo Falastiinna waan ku qaylin doonaa.
Moab is my wash pot. Upon Edom I will cast my shoe. Over Philistia I will shout.
10 Bal yaa i geeyn doona magaalada deyrka leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
Who will bring me into the fortified city? Who has led me to Edom?
11 Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
Have thou not cast us off, O God? And thou go not forth, O God, with our armies.
12 Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
Give us help against the adversary, for vain is the help of man.
13 Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonnaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.
Through God we shall do valiantly, for he it is who will tread down our adversaries.

< Sabuurradii 108 >