< Sabuurradii 80 >

1 Na maqal, Adhijirka reer binu Israa'iil jirow, Kaaga reer Yuusuf sida adhi u hor kacow, Kaaga Keruubiimta ku dul fadhiyow, soo iftiin.
聖歌隊の指揮者によってゆりの花のしらべにあわせてうたわせたアサフのあかしの歌 イスラエルの牧者よ、羊の群れのようにヨセフを導かれる者よ、耳を傾けてください。ケルビムの上に座せられる者よ、光を放ってください。
2 Reer Efrayim iyo reer Benyaamiin iyo reer Manaseh hortooda xooggaaga ku kici, Oo kaalay oo na badbaadi.
エフライム、ベニヤミン、マナセの前にあなたの力を振り起し、来て、われらをお救いください。
3 Ilaahow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
神よ、われらをもとに返し、み顔の光を照してください。そうすればわれらは救をえるでしょう。
4 Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Ilaa goormaad u cadhaysnaan doontaa baryootanka dadkaaga?
万軍の神、主よ、いつまで、その民の祈にむかってお怒りになるのですか。
5 Waxaad ku quudisay kibistii ilmada, Oo ilmo aad u badanna ayaad cabsiisay.
あなたは涙のパンを彼らに食わせ、多くの涙を彼らに飲ませられました。
6 Waxaad nala dirirsiisay derisyadayada, Oo cadaawayaashayadiina way nagu qoslaan.
あなたはわれらを隣り人のあざけりとし、われらの敵はたがいにあざわらいました。
7 Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
万軍の神よ、われらをもとに返し、われらの救われるため、み顔の光を照してください。
8 Geed canab ah ayaad dalkii Masar ka keentay, Oo intaad quruumihii ka eriday ayaad meel ku beertay.
あなたは、ぶどうの木をエジプトから携え出し、もろもろの国民を追い出して、これを植えられました。
9 Meel baad hortiisa ku diyaarisay, Oo wuxuu yeeshay xididdo dhaadheer, kolkaasuu dhulkii buuxiyey.
あなたはこれがために地を開かれたので、深く根ざして、国にはびこりました。
10 Oo buurihii waxaa qariyey hooskiisii, Oo laamihiisiina waxay noqdeen sidii geedaha la yidhaahdo kedar oo Ilaah.
山々はその影でおおわれ、神の香柏はその枝でおおわれました。
11 Laamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda, Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga.
これはその枝を海にまでのべ、その若枝を大川にまでのべました。
12 Bal maxaad deyrkiisii u dumisay Si ay kuwa jidka maraa oo dhammu u goostaan?
あなたは何ゆえ、そのかきをくずして道ゆくすべての人にその実を摘み取らせられるのですか。
13 Waxaa kharriba doofaarka kaynta, Oo waxaa iska daaqda ugaadha duurka.
林のいのししはこれを荒し、野のすべての獣はこれを食べます。
14 Ilaaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo, Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo,
万軍の神よ、再び天から見おろして、このぶどうの木をかえりみてください。
15 Oo ilaali wixii ay gacantaada midig beertay, Iyo laantii aad adkaysatay.
あなたの右の手の植えられた幹と、みずからのために強くされた枝とをかえりみてください。
16 Dab baa lagu gubay, oo waa la gooyay, Oo waxay ku halligmeen canaantii jaahaaga.
彼らは火をもってこれを焼き、これを切り倒しました。彼らをみ顔のとがめによって滅ぼしてください。
17 Gacantaadu ha kor saarnaato ninka gacantaada midig jooga, Iyo binu-aadmigii aad nafsaddaada u xoogaysatay.
しかしあなたの手をその右の手の人の上におき、みずからのために強くされた人の子の上においてください。
18 Markaas dib kaaga noqon mayno, Na noolee, oo markaasaannu magacaaga ku baryootamaynaa.
そうすれば、われらはあなたを離れ退くことはありません。われらを生かしてください。われらはあなたのみ名を呼びます。
19 Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
万軍の神、主よ、われらをもとに返し、み顔の光を照してください。そうすればわれらは救をえるでしょう。

< Sabuurradii 80 >