< 1 Wafalme 9 >

1 Sulemani alipomaliza kulijenga hekalu la BWANA, na ikulu ya mfalme, na baada ya kukamilisha vyote alivyokusudia kufanya,
Oo Sulaymaan markuu dhammeeyey dhismihii guriga Rabbiga, iyo gurigii boqorka, iyo kulli wixii uu damacsanaa oo uu ku faraxsanaa inuu sameeyo oo dhan,
2 BWANA alionekana kwa Sulemani kwa mara ya pili, kama alivyoonekana kwake kule Gibeoni.
ayaa Rabbigu Sulaymaan mar labaad u muuqday, siduu markii hore Gibecoon ugu muuqday oo kale.
3 Na BWANA akamwambia, “Nimeyasikia maombi yako na dua zako ambazo umeniomba. Nimeitakasa nyumba hii ambayo umeijenga, kwa ajili yangu, ili niweke jina langu humo milele. Macho yangu na moyo wangu yatakuwa humo kwa nyakati zote.
Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waan maqlay tukashadaadii iyo baryootankaagii aad hortayda ku samaysay; oo quduus baan ka dhigay gurigan aad dhistay si magacayga weligiisba halkaas loogu daayo, oo indhahayga iyo qalbigayguna halkaasay joogi doonaan weligood iyo weligoodba.
4 Lakini pia na wewe, kama utatembea mbele zangu kama Daudi baba yako alivyotembea kwa haki na unyofu katika moyo wako, ukitii yote niliyokuamuru na kuyashika maagizo na sheria zangu,
Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa'uud oo kale hortayda ugu socotid qalbi daacad ah iyo qummanaan, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda,
5 ndipo nitakapoimarisha kiti cha enzi kwa Israeli milele, kama nilivyomwahidi baba yako Daudi, nikiseama, 'uzao wako hautaondoka katika kiti cha enzi cha Israeli.
de markaasaan dhisi doonaa oo aan weligiis waarin doonaa carshiga boqortooyadaada ee reer binu Israa'iil u taliya sidaan ugu ballanqaaday aabbahaa Daa'uud, markaan ku idhi, Nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista lagaa waayi maayo.
6 Lakini kama utageuka, wewe au watoto wako, na kutozishika amri zangu na maagizo yangu ambayo nimeyaweka mbele zako, na kama utaenda kuabudu miungu mingine na kuisujidia,
Laakiinse idinka ama carruurtiinnu haddaad lasocodkayga ka leexataan oo aydnaan dhawrin amarradayda iyo qaynuunnadayda aan idin hor dhigay, laakiinse aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,
7 basi nitaikatilia mbali Israeli kutoka katika ardhi niliyowapa; na nyumba hii niliyoitakasa kwa jina langu, nitaitupilia mbali na macho yangu, na Israeli itakuwa mfano wa kukejeliwa na kitu cha kutusiwa katika mataifa yote.
de markaasaan reer binu Israa'iil ka gooyn doonaa dalkii aan siiyey; oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo reer binu Israa'iilna markaas waxay dadyowga oo dhan ku dhex noqon doonaan maahmaah iyo halqabsi.
8 Ijapokuwa hekalu hili limetukuka sasa, kila mtu atakayepita pembeni yake atasituka na kuzoomea. Watajiuliza, 'Kwa nini BWANA amefanya hili katika chi hii na kwa nyumba hii?'
Oo in kastoo guriganu dheer yahay, haddana mid walba oo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, oo wuu ku foodhyi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan uga dhigay dalkan iyo gurigan?
9 Na wengine watajibu, 'Ni kwa sababu walimwacha BWANA, Mungu wao, ambaye aliwaleta mababu zao toka Misri, na sasa wamegeukia miungu mingine ambayo wameiinamia na kuisujudu. Hiyo ndiyo sababu BWANA amewaletea majanga haya yote.”
Oo waxaa lagu jawaabi doonaa, Waxay ka tageen Rabbigii Ilaahood ahaa oo awowayaashood ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, wayna caabudeen oo u adeegeen, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaantan oo dhan ugu soo dejiyey.
10 Ilitokea mwishoni mwa miaka ishirini, Sulemani alikuwa amemaliza kuyajenga majengo yote mawili, hekalu la BWANA na ikulu ya mfalme.
Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan labadii guri dhisayay, kuwaasoo ahaa gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka,
11 Basi Hiramu, mfalme wa Tiro, alikuwa amemletea Sulemani mbao za mierezi na miboreshi, pamoa na dhahabu; vitu vyote ambavyo Sulemani alitamani. Kwa hiyo mfalme Sulemani akampatia Hiramu miji ishirini huko Galilaya.
ayuu Boqor Sulaymaan Xiiraam siiyey labaatan magaalo oo ku tiil dalkii Galili. (Maxaa yeelay, Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan siiyey qoryo kedar ah, iyo qoryo beroosh ah, iyo dahab, in alla intuu doonayay.)
12 Hiramu akaja kutoka Tiro kuiona ile miji ambayo Sulemani alikuwa amempatia, lakini hakupendezwa nayo.
Oo Xiiraamna wuxuu Turos uga soo kacay inuu arko magaalooyinkii Sulaymaan siiyey, kumana uu farxin.
13 Kwa hiyo Hiramu akasema, “Ndugu yangu, ni miji gani hii uliynipatia? Hiramu akaiita nchi ya Kabuli mpaka leo.
Markaasuu yidhi, Walaalkayow, magaalooyinkan aad i siisay waa maxay? Kolkaasuu magaalooyinkii u bixiyey dalkii Kabuul oo ilaa maantadanna waa la yidhaahdaa.
14 Hiramu alikuwa amemtumia mfalme tani nne za dhahabu.
Xiiraamna wuxuu boqorkii u diray boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.
15 Vifuatavyo ndivyo vigezo ambavyo mfalme Sulemani aliweka: ili kulijenga hekalu la BWANA na ikulu yake, kuijenga Milo na ukuta wa Yerusalemu, na Hazori, Megido, na Gezari.
Oo sababtii uu Sulaymaan shaqaalayaashii u doortay waxay ahayd inuu dhiso gurigii Rabbiga, iyo gurigii uu isagu lahaa, iyo Millo, iyo derbigii Yeruusaalem, iyo Xaasoor, iyo Megiddoo, iyo Geser.
16 Farao mfalme wa Misri alikuwa ameenda kuitwaa Gezeri, akaichoma moto, na kuwaua Wakanaani katika mji. Kisha Farao akampatia binti yake ule mji, mke wa Sulemani kuwa zawadi ya arusi.
Waayo, Fircoon oo ahaa boqorkii Masar mar horuu tegey oo Geser qabsaday oo gubay, oo wuxuu laayay dadkii reer Kancaan oo magaalada degganaa, oo qayb ahaan ayuu u siiyey gabadhiisii Sulaymaan u dhaxday.
17 Kwa hiyo Sulemani akaijenga Gezeri na Bethi Horoni ya Loweri,
Markaasaa Sulaymaan dhisay Geser, iyo Beytxooroontii hoose,
18 Baalathi na Tamari jangwani katika nchi ya Yuda,
iyo Bacalad, iyo Taamaar oo ku dhex tiil cidladii dalka,
19 na miji yote ya hazina yote iliyokuwa yake, na miji ya magari yake, na miji ya wapanda farasi wake, na hata kama alipenda kuijenga kwa ajili ya fahari yake kule Yerusalemu, Lebanoni, na katika nchi yote kwenye utawala wake.
iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray ee uu Sulaymaan lahaa oo dhan, iyo magaalooyinkii gaadhifardoodkiisa, iyo magaalooyinkii fardooleydiisa, iyo wixii uu Sulaymaan jeclaaday inuu ka dhisto Yeruusaalem iyo Lubnaan, iyo dalkii uu boqorka ka ahaa oo dhan.
20 Na kwa watu wote waliokuwa wamesalia wa Waamori, Wahiti, Waperezi, Wahivi, na Yebu, ambao hawakuwa Waisraeli,
Oo weliba dadkii ka hadhay reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo aan reer binu Israa'iil ahayn,
21 na uzao wao waliokuwa wamesalia baada yao katika nchi, ambao Waisraeli hawakuweza kuwaangamiza kabisa - Sulemani akawafanya kuwa vibarua, ambao wako hata leo.
kuwaas farcankoodii dalka ku hadhay oo anay reer binu Israa'iil karin inay wada baabbi'iyaan, Sulaymaan wuxuu ka dhigtay addoommo ilaa maantadan la joogo.
22 Hata hivyo, Sulemani hakuwafanya kuwa shokoa watu wa Israeli. Badala yake, walifanyika kuwa wanajeshi wake na watumishi wake, maakida wake, na wakuu wake, na majemedari wake na wapanda farasi wake.
Laakiinse reer binu Israa'iil Sulaymaan addoommo kama dhigan, waxayse ahaayeen raggii dagaalyahannada ahaa, iyo midiidinnadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisii, iyo taliyayaashii gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisaba.
23 Hawa ndio waliokuwa maakida wakuu waliokuwa wakiwasimamia kazi za Sulemani, watu 550, walikuwa wasimamizi wa watu waliokuwa wakifanya kazi.
Kuwanu waxay ahaayeen saraakiishii Sulaymaan hawshiisa u talin jiray oo ahaa shan boqol iyo konton nin oo u taliya dadka hawsha qabta.
24 Binti wa Farao alihama kutoka mji wa Daudi kwenda kwenye ile nyumba ambayo Sulemani alimjengea. Baadaye, Sulemani akaijenga Milo.
Laakiinse gabadhii Fircoon waxay ka soo baxday magaaladii Daa'uud, oo gashay gurigeedii uu Sulaymaan iyada u dhisay; markaasuu haddana wuxuu dhisay Millo.
25 Mara tatu kwa kila mwaka Sulemani alitoa sadaka za kuteketezwa na sadaka za amani katika madhabahu ambayo alimjengea BWANA, akifukiza uvumba pamoja nazo juu ya madhabahu ilyokuwa mbele ya BWANA. Kwa hiyo akalimalizia hekalu na sasa alikuwa akilitumia.
Oo sannaddiiba saddex jeer ayuu Sulaymaan meeshii allabariga oo uu Rabbiga u dhisay ku bixin jiray qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino, oo girgirihii Rabbiga hor yiilna wuxuu ku gubi jiray foox, oo saasuu gurigii ku dhammeeyey.
26 Tena Sulemani alitengeneza merikebu kule Ezioni Geberi, ambayo iko karibu na Elathi katika ufukwe wa bahari ya shamu, katika nchi ya Edomu.
Markaasaa Boqor Sulaymaan doonniyo ku sameeyey Cesyoon Geber taasoo ku taal Eelood dhinaceeda ee ah xeebta Badda Cas ee ku taal dalka Edom.
27 Hiramu alituma watumishi kwenye merikebu ya Sulemani, wanamaji wanaoijua bahari, pamoja na watumishi wake Sulemani.
Oo Xiiraamna wuxuu doonniyihii raaciyey addoommadiisii baxriyiinta ahaa oo badda aqoonta u lahaa, oo waxaa wada jiray iyaga iyo addoommadii Sulaymaan.
28 Walikwenda kwa Ofri pamoja na watumishi wa Sulemani. Kutoka huko walileta takribani tani 14. 5 za dhahabu kwa Sulemani.
Waxayna yimaadeen Oofir, oo halkaasay Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

< 1 Wafalme 9 >