< 2 Nyakati 14 >

1 Abiya kalala pamoja na babu zake, na wakamzika kataika maji wa Daudi. Asa, mwanaye, akawa mfalme katika nafasi yake. Katika siku yake nchi ilikuwa na miaka kumi.
Markaasaa Abiiyaah dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aasaa, oo wakhtigiisiina dalku wuu xasilloonaa intii toban sannadood ah.
2 Asa alifanya yaliyomema na sahihi katika macho ya Yahwe Mungu wake,
Oo Aasaana wuxuu sameeyey wixii Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku wanaagsanaa oo ku qummanaa,
3 kwa maana aliziondosha mbali madhabahu za kigeni na sehemu za juu. Akaziangusha chini nguzo za mawe na kuzikata nguzo za Maashera.
maxaa yeelay, isagu wuxuu baabbi'iyey meelihii allabariga ee qalaadaa iyo meelihii sarsare, oo tiirarkiina wuu wada jejebiyey, geedihii Asheeraahna wuu wada jaray,
4 Akawaamuru Yuda kumtafuta Yahwe, Mungu wa babu zao, na kuzishika sheria na amri.
oo dadkii Yahuudahna wuxuu ku amray inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, iyo inay yeelaan sharciga iyo amarka.
5 Pia akaziondosha mbali sehemu za juu na madhabahu za kufukiza kutoka miji yote ya Yuda. Ufalme ulikuwa na pumziko chini yake.
Oo haddana magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan wuxuu ka baabbi'iyey meelihii sarsare iyo sanamyadii qorraxda, oo boqortooyaduna isaga hortiisa way ku xasilloonayd.
6 Akajenga miji ya ngome katika Yuda, kwa maana nchi ilikuwa tulivu, na hakuwa na vita katika miaka hiyo, kwa sababu Yahwe alikuwa amempa amani.
Oo isagu dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay magaalooyin deyr leh, maxaa yeelay, dalku wuu xasilloonaa oo isaguna dagaal ma gelin sannadahaas, waayo, Ilaah baa isaga nasiyey.
7 Kwa maana Asa aliwaambia Yuda, “Tuijenge miji hii na kuizungushia kuta, na minara, mageti, na makomeo; nchi bado yetu kwa sababu tumemtafuta Yahwe Mungu wetu. Tumemtafuta yeye, na ametupa amani katika kila upande.” Kwa hiyo walijenga na wakafanikiwa.
Oo wuxuu dadkii Yahuudah ku yidhi, Kaalaya aan magaalooyinkan dhisnee oo aan u yeelno derbiyo, iyo munaarado, iyo irdo, iyo qataarro; dalku weli waa ina hor yaal, maxaa yeelay, waxaynu doondoonnay Rabbiga Ilaaheenna ah; isagaynu doondoonnay, oo isna dhan kasta ayuu inaga nasiyey. Markaasay magaalooyinkii dhiseen, wayna liibaaneen.
8 Asa alikuwa na jeshi ambalo lilibeba ngao na mikuki; kutoka Yuda alikuwa na wanaume 300, 000, na kutoka Benyamini, wanaume 280, 000 waliobeba ngao na kuvuta pinde.
Oo Aasaana wuxuu lahaa ciidan gaashaammo iyo warmo sita, oo waxaa reer Yahuudah ka soo baxay saddex boqol oo kun, reer Benyaamiinna waxaa ka soo baxay kuwo gaashaammo sita oo qaansooyin xoota oo ah laba boqol iyo siddeetan kun, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.
9 Zera Mwethiopia akaja juu yao na jeshi la wanajeshi milioni moja na magari mia tatu; akaja Maresha.
Oo waxaa iyagii ku soo kacay Serax oo ahaa reer Itoobiya isagoo wata ciidan tiradiisu tahay malyuun, iyo saddex boqol oo gaadhifaras, oo isagu wuxuu yimid Maareeshaah.
10 Kisha Asa akatoka nje kukutana naye, na wakapanga mistari ya vita ya mapigano katika bonde la Sefatha huko Maresha.
Markaasaa Aasaa u baxay inuu isaga ka hor tago, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Dooxadii Sefaataah oo Maareeshaah u dhow.
11 Asa kamlilia Yahwe, Mungu wake, na akasema, “Yahwe, hakuna aliye kama wewe lakini ni wewe wa kumsaidia mtu asiye na nguvu anapokutana na mengi. Tusaidie, Yahwe, Mungu wetu, kwa maana tunakutegemea wewe, na katika jina lako tumekuja kupambana na idadi hii kubwa ya adui. Yahwe, wewe ni Mungu wetu; usimuache mtu akushinde.”
Markaasaa Aasaa u qayshaday Rabbiga Ilaahiisa ah oo yidhi, Rabbiyow, adiga mooyaane ma jiro mid u kala hiilin kara kan itaalka badan iyo kan aan xoogga lahayn. Rabbiyow Ilaahayagow, na caawi, waayo, waannu isku kaa hallaynaynaa, oo magacaaga ayaannu dadkan badan ugu soo baxnay. Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahayaga, haddaba ninna yuusan kaa adkaan.
12 Kwa hiyo Yahwe akawapiga Waethiopia mbele za ASa na Yuda; Waethiopia wakakimbia.
Oo sidaas daraaddeed Aasaa iyo dadkii Yahuudah hortooda ayaa Rabbigu ku jebiyey kuwii reer Itoobiya, kuwii reer Itoobiyana way carareen.
13 Asa pamoja na wanajeshi waliokuwa pamoja naye wakawafukuza hadi Gerari. Kwa hiyo Waethiopia wengi wakajeruhiwa kiasi kwamba hawakuweza kupona, kwa maana waliangamizwa kabisa mbele za Yahwe na jeshi lake. Jeshsi likachukua mateka wengi sana.
Markaasaa Aasaa iyo dadkii la socday u eryadeen xagga Geraar, oo waxaa kuwii reer Itoobiya ka dhintay dad faro badan oo iyaga ayan ka soo kaban karin, maxaa yeelay, iyagu waxay ku hor baabbe'een Rabbiga iyo ciidankiisaba, oo weliba waxay kala tageen maal booli ah oo aad u badan.
14 Jeshi likaviangamiza vijiji vyote jirani na Garari, kwa kuwa hofu ya Yahwe ilikuwa imekuja juu ya wakaaji. Jeshi likateka vijiji vyote, na vilikuwa na hazina nyingi sana ndani yake.
Oo waxay kaloo wax ku dhufteen magaalooyinkii Geraar ku wareegsanaa oo dhan, waayo, iyaga waxaa ku dhacday Rabbiga cabsidiisii, oo magaalooyinkii oo dhanna way dhaceen, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku jiray maal badan.
15 Jeshi pia likaipiga hema ya makazi yawachungaji; wakabeba kondoo kwa wingi, ngamia vile vile, na kisha wakarudi Yerusalemu.
Oo haddana waxay burburiyeen teendhooyinkii xoolodhaqatada, waxayna dhaceen ido faro badan iyo geel. Dabadeedna Yeruusaalem bay ku noqdeen.

< 2 Nyakati 14 >